ASMARA — Masar iyo Eritrea ayaa Sabtidii kala saxiixday heshiis iskaashi gaadiidka badda ah oo lagu bilaabayo khad maraakiib ah oo isku xira dekedaha labada dal, iyadoo Qaahira ay sheegtay in amniga Badda Cas uu gaar u yahay dalalka xeebaha leh.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty, ayaa sheegay in xasilloonida Geeska Afrika iyo Badda Cas ay qeyb ka tahay amniga qaranka Masar, isagoo taageeray aragtida Eritrea ee maamulka Badda Cas iyo in aan ku ku lug yeelan dalal aan xeeb ku lahayn.
Heshiiska ayaa la…










